Request New Connection


SHURUDAHA HISHISKA SHIRKADA IYO MACMIILKA

1. Macmilka waxaa laga saxeexayaa heshiiska adeegga (service contract)
2. Saacada lasoo codsaday waxa lagu diwan galinaya mulkiilaha guriga
3. Mulkiilaha ama wakiilka gurigu wuxu damiin kayahay macmiil walba oo isticmaala saacada lagu diwan galiyay
4. Wakiilka mulkiiluhu wuxu yeelanaya xukunka mulkiilaha
5. Haddii damiinul-maalka iyo hantiiluhu aanay imaanin xafiiska waxaa telefoon loogu sheegayaa foomka laga buuxiyey, waxa uu ku saabsan yahay iyo in laga saxeexi doono loona iman doono.
6. Baalaha iyo fiilada lagaliyo gurigaas waxa masuuliyadiiisa lawareegesa shirkada pepco
7. Saacada korontada waxa kamasuul ah mulkiilaha guriga
8. Hadii lagacan dhaafo saacada ama sikhaldan loo isticmalo korontada waa laganaxi doona macmiilka dabkana waa wayn doona
9. Isticmaalka biilka ugu yar ee udhaxeeya 0-6 KWT qiima ahan waa $5.00 dollar
10. Macmiilku wa inuu layimado qalabka guriga ubaahdo si koronto loogu galiyo sida:

• Fiilada dabka
• Baalaha
• Saacada (Single Phase, Three Phase)
• Sanduuqa saacada
• Switcheska

11. Haddii isbeddel ku yimaaddo masuuliyadda goobta shirkadda adeegu siiso(sida xafiisyo dawladeed oo laga bedelay masuulkii shirkaddu heshiiska lagashay amase macmil uu is beddelay damiinul maalkiisu) waxaa masuulka cusub laga saxeexayaa heshiis cusub.
12. Damiinul maalka iyo hantilaha aan iman Karin xafiiska waxaa heshiiska adeega meesha ay ku leeyihiin looga saxeexayaa hadba sida iyo wakhtiga ugu fudud iyadoo loogu tegayo rugtooda haddii loo baahdo.
13. Mulkiilaha ama damiinul maalka saacada waxa lagu yeelan doonaa biilka lagu isticmaalay saacada ay masuulka ka yihiin hadii lawayo macmiilki isticmaalay.
14. Macmiilka xafiiska yimaadda waxaa laga buuxinayaa FOOMKA HISHISKA ADEEGA.
15. Macmilka lagu booqdo goobtiisa waxaa sidoo kale laga buuxinayaa FOOMKA HISHIISKA ADEEGA.

GELINTA ADEEGA

1. Hal deegaan lama gelin karo laba koronto oo PEPCO ah marka laga reebo guryaha loo kireeyo qayb qaybta (appartments).
2. Macaamiishii ku heshiin weyda saacadda iyo isticmaalkeeda waxaa maamulku u ogolaanayaa saacad/saacado sidig (parallel) ah.
3. Macmilka wuxu helaya korontada mudo aan ka badnayn 24 saac gudahood.
4. Macaamiilka gelinka hore foomka laga buuxiyo waxaa waaxda farsamadu looxiraya dabka gelinka danbe, macmilka gelinka danbe laga buuxiyana waxa loo galinaya dabka subaxa xiga.
5. Macmiilka uu kadaho dabka waxa uu lasoo xiriraya waaxda ganacsiga shirkada pepco
6. Waaxda ganacsigu waxay jawaab siinaysaa macaamiisha lasoo xiriirta ee doonaya in laga qanciyo sahanka oo ka daahay iwm.